Quran Apps in many lanuages:

Surah Al-Anaam Ayahs #100 Translated in Somali

فَالِقُ الْإِصْبَاحِ وَجَعَلَ اللَّيْلَ سَكَنًا وَالشَّمْسَ وَالْقَمَرَ حُسْبَانًا ۚ ذَٰلِكَ تَقْدِيرُ الْعَزِيزِ الْعَلِيمِ
Eebe waa kan Abuuray Iftiinka kana Yeelay Habeenka Xasil, Qorraxda iyo Dayaxana Xisaab, Taasina waa Maamulka Eebe Adkaada ee og.
وَهُوَ الَّذِي جَعَلَ لَكُمُ النُّجُومَ لِتَهْتَدُوا بِهَا فِي ظُلُمَاتِ الْبَرِّ وَالْبَحْرِ ۗ قَدْ فَصَّلْنَا الْآيَاتِ لِقَوْمٍ يَعْلَمُونَ
Eebe waa kati idiin Yeelay Xiddigo inaad ku Toostaan Mugdiga Barriga iyo Badda, waxaan u Caddaynay Aayaadka Ciddii Garan.
وَهُوَ الَّذِي أَنْشَأَكُمْ مِنْ نَفْسٍ وَاحِدَةٍ فَمُسْتَقَرٌّ وَمُسْتَوْدَعٌ ۗ قَدْ فَصَّلْنَا الْآيَاتِ لِقَوْمٍ يَفْقَهُونَ
Eebe waa kan Idinka Abuuray Naf kaliya (Nabi Aadam) ldiinna Yeelay Sugnaansho iyo Hoyosho, waan u Caddaynay Aayaadka Ciddi wax kasi.
وَهُوَ الَّذِي أَنْزَلَ مِنَ السَّمَاءِ مَاءً فَأَخْرَجْنَا بِهِ نَبَاتَ كُلِّ شَيْءٍ فَأَخْرَجْنَا مِنْهُ خَضِرًا نُخْرِجُ مِنْهُ حَبًّا مُتَرَاكِبًا وَمِنَ النَّخْلِ مِنْ طَلْعِهَا قِنْوَانٌ دَانِيَةٌ وَجَنَّاتٍ مِنْ أَعْنَابٍ وَالزَّيْتُونَ وَالرُّمَّانَ مُشْتَبِهًا وَغَيْرَ مُتَشَابِهٍ ۗ انْظُرُوا إِلَىٰ ثَمَرِهِ إِذَا أَثْمَرَ وَيَنْعِهِ ۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكُمْ لَآيَاتٍ لِقَوْمٍ يُؤْمِنُونَ
Eebe waa kan ka soo Dejiya Samada Biyo kuna soo Bixinno Doog Cagaaran oon ka soo Saarro Midho kala Koreeya, Timirtana Fiiddeeda ah Laamo Dhow, Beerana (waan ku so Bixinaa) oo ah Cinab, Zaytuun, Rummaan (qaar) Isu eg, iyo Qaar aan Isu Ekayn, Daya Midhihiisa markuu Midho Dhalo iyo Bisaylkiisa Taasina Calaamaa ugu Sugan Ciddii wax Rumayn.
وَجَعَلُوا لِلَّهِ شُرَكَاءَ الْجِنَّ وَخَلَقَهُمْ ۖ وَخَرَقُوا لَهُ بَنِينَ وَبَنَاتٍ بِغَيْرِ عِلْمٍ ۚ سُبْحَانَهُ وَتَعَالَىٰ عَمَّا يَصِفُونَ
Waxay u Yeeleen Gaalado Eebe Shurako Jinni ah Isagoo Abuuray waxay ku Sheegeen(Been) Eebe Wiilal iyo Gabdho Iyagoon wax Ogayn, waa ka Nasahanyahay Eebe waana ka Sarreeyaa waxay ku Sheegi.

Choose other languages: