Quran Apps in many lanuages:

Surah Fussilat Ayahs #48 Translated in Somali

وَلَوْ جَعَلْنَاهُ قُرْآنًا أَعْجَمِيًّا لَقَالُوا لَوْلَا فُصِّلَتْ آيَاتُهُ ۖ أَأَعْجَمِيٌّ وَعَرَبِيٌّ ۗ قُلْ هُوَ لِلَّذِينَ آمَنُوا هُدًى وَشِفَاءٌ ۖ وَالَّذِينَ لَا يُؤْمِنُونَ فِي آذَانِهِمْ وَقْرٌ وَهُوَ عَلَيْهِمْ عَمًى ۚ أُولَٰئِكَ يُنَادَوْنَ مِنْ مَكَانٍ بَعِيدٍ
Hadaan kayeelo «Kitaabka» Quraanka Cajami ah waxay dhihi lahaayeen maxaa loo caddayn waayey Aayaadkiisa, ma (quraan) Cajami ah iyo Nabi (Carabi ah) waxaad dhahdaa isagu kuwa rumeeyey wuxuu u yahay Haanuun iyo Caafimaad, kuwa aan rumeynina dhagahooda waxaa ah culays, waana ka indha la' yihiin kuwaasna waxaa looga yeedhi meel fog.
وَلَقَدْ آتَيْنَا مُوسَى الْكِتَابَ فَاخْتُلِفَ فِيهِ ۗ وَلَوْلَا كَلِمَةٌ سَبَقَتْ مِنْ رَبِّكَ لَقُضِيَ بَيْنَهُمْ ۚ وَإِنَّهُمْ لَفِي شَكٍّ مِنْهُ مُرِيبٍ
Dhab ahaanbaan u siinay Nabi Muuse Kitaabka waana laysku khilaafay, haddayan jirin kalimo ka hormartay Eebahaa waa lakala xukminlahaa dhexdooda waxayna ku suganyihiin gaaladu shaki daran.
مَنْ عَمِلَ صَالِحًا فَلِنَفْسِهِ ۖ وَمَنْ أَسَاءَ فَعَلَيْهَا ۗ وَمَا رَبُّكَ بِظَلَّامٍ لِلْعَبِيدِ
Ruuxi camalfiican fala wuxuu u falay Naftiisa, Ruuxii xumaan fala wuxuu dhibay Naftiisa, Eebaheena ma aha dulmiyaha Addoomada.
إِلَيْهِ يُرَدُّ عِلْمُ السَّاعَةِ ۚ وَمَا تَخْرُجُ مِنْ ثَمَرَاتٍ مِنْ أَكْمَامِهَا وَمَا تَحْمِلُ مِنْ أُنْثَىٰ وَلَا تَضَعُ إِلَّا بِعِلْمِهِ ۚ وَيَوْمَ يُنَادِيهِمْ أَيْنَ شُرَكَائِي قَالُوا آذَنَّاكَ مَا مِنَّا مِنْ شَهِيدٍ
Xagiisaana loo celiyaa ogida Saacadda (Qiyaame) midhana kama soobaxaan Sabuulkooda, mana uuroobo Dhadig mana dhalo ogaanshaha Eebe la'aantiiis, Maalintuu ku dhihi away kuwaad ila wadaajiseenna waxay dhihi waxaan ku ogaysiinnay Nagamidma aha Ruux marag furi arintaas.
وَضَلَّ عَنْهُمْ مَا كَانُوا يَدْعُونَ مِنْ قَبْلُ ۖ وَظَنُّوا مَا لَهُمْ مِنْ مَحِيصٍ
Waxaa ka dhumey waxay ahaayeen kuwo (baryo) caabuda horey, waxayna yaqiinsadeen inuusan u sugnaan gargaare.

Choose other languages: